Madaxweynaha kuuriyada waqooyi oo raja ka muujiyay wadahadalo uu la yeelanayo dhiggisa kuuriyada koonfureed

Hoggaamiyaha wadanka kuuriyada waqooyi ,Kim Jong Un ayaa sheegay inuu filayo in waxyaabo wanaagsan ay ka soo baxaan kulanka uu la qaadanayo madaxweynaha kuuriyada koonfureed ,Moon Jae-in.
Maanta oo talaado ah ayay mas’uuliyiintan kulmayaan waxaana shirkaasi looga gol leeyahay in dib loogu soo nooleeyo siyaasadda dibloomaasiyadeed ee dhanka hubka nukliyeerka.
Waxay socdaal ku mareen wadooyinka magaalada Pyongyang ee kuuriyada waqooyi .
Ugu yaraan 100,000 oo ka mid ah shacabka wadankaasi ayaa kulanka labadan mas’uul u riyaaqay waxayna ku dhawaqayeen ereyo ay ka mid yihiin mideynta dalalkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *