Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika oo fasaxday adeegsiga cannabis oo ka mid ah daroogda

Maxkamadda dastuurka ee dalka Koonfur Afrika ayaa fasaxday in si gaar ah loo adeegsan karo geedka cannabis oo mararka qaar daroogo ahaan loo adeegsado.

ku xigeenka madaxa caddaaladda ee dalkaasi Raymond Zondo ayaa sheegay in uusan dastuurka waafaqsanayn xeerkii dadka qaangaarka ah ka mamnuucayay adeegsiga marijuana.

Qoddobkan oo garsooreyaashu ay isku raaceen in uusan dambi ahayn in dadka qaangaarka ah ay guryahooda ku cabbaan marijuana ayna guryahooda ku beertan iyaga oo ka raba in ay si shaqsi ah u isticmaalaan.

Sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda Western Cape High Court ay dambi nimada ka saartay in guryaha lagu isticmaalo marijuana.

Arrintani ayaa waxa si weyn uga soo horjeestay, booliiska, caafimaadka  waxayna sheegeen in arrintaasi aysan dastuurka waafaqsanayn, waxayna ku doodeen in cannabis uu ka waxyeelo badan yahay adeegsiga tubaakada iyo khamrida.

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *