Mucaaradka Nasa oo taageeray qiimaha shidaalka ee la dhimay

Urur weynaha mucaaradka Nasa ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta Orange house ee magaaladatani Nairobi ka sheegay inuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku taageerayo qiimaha canshuurta shidaalka ee uu dhimay.
Madaxweynaha dalka ayaa maalmo ka hor boqolkiba 8 ka dhigay qiimaha cusub ee canshuurta shidaalka ee ay dowladu qorsheynaysay inuu noqdo boqolkiba 16.
Baarlamaanka dalka ayuu u soo jeediyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay inay ansaxiyaan qiimaha uu yareeyay.
Hasa ahaate siyaasiyiinta ayaa arrinkaasi ku kala aragti duwan waxaana la filaya inay galinka dambe ee maanta ka doodaan tallabadaasi.
Siyaasiyiinta ka tirsan garabka mucaaradka ee dalka ayaa saaka kulan yeeshay waxayna ka soo saareen qodobo dhowr ah oo uu warfidiyeenka u akhriyay xildhibaanka degaanka bariga Suna Junet Maxamad
Junet Maxamad ayaa sheegay inay tageeridda go’aanka madaxweynaha ku xirayaan shuruud ay doonayaan in muddo hal sano ah lagu soo buuxiyo.
Siyaasiyiinta Jubilee ayaa dhankooda kulmay waxay isku afgarteen inay madaxweynaha ku raacaan dhimidda canshuurta shidaalka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *