Abaanduulaha booliska oo sheegay inuu sii jirayo dareeska cusub ee sarakiisha

Abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinett ayaa sheegay in la isticmaali doono dareeska cusub ee booliska ee dhawaan la soo bandhigay.
Hadalka Mr. Boinnet ayaa yimid iyadoo shacabka Kenyaanka ah ay siyaabo kala duwan afkaartooda ugu soo bandhigeen baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Hasa ahaate Mr.Boinnet ayaa hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan afkaarta ku aaddan labiska booliska si hadii ay suurtagal tahay dib u habeyn loogu sameeyo.
Dareeska booliska ayaa ka mid ah isbedelo dhowr ah oo maalmo ka hor uu shaaciyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dhanka kale ,Ronald Musengi oo ka mid ah sarakiisha sar sare ee waaxda qaran ee adeega booliska ayaa sheegay in dhamaan ciidamada loo soo iibinayo labiskaasi shaqo.
Waxaa uu intaasi ku daray in cid waliba ay u madax bannaantahay muujinta dareenkeeda balse qorshaha cusub uu yahay mid lagu tallaaba qaadayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *