Baarlamaanka oo bilaabay inuu baaro eedeymo ku aaddan laaluush qaadasho

Guddiga baarlamaanka wadanka u qaabilsan awoodaha iyo waxyaabaha ay fursadda u haystaan xildhibaanada ayaa maanta guda galay baaritaano ku aaddan eedeymo horay loo jeediyay.
Eedeymahaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa ahaa in mudanayaasha la siiyay lacag dhan 10,000 oo shilin oo laaluush ah taasi oo keentay inaysan meel marin warbixin ku saabsanayd sonkor kontarabaan ah oo dalka la soo geliyay.
Warbixintaasi dhinaca la isaga dhigay ayaa waxaa si wadajir ah u soo diyaariyay guddiyada baarlamaanka ee ganacsiga iyo beeraha.
Waxaa maanta qabsoomay fadhi uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha qaran ee sharci dejinta Mr. Justin Muturi.
Waxaa guddiga awoodaha ee baarlamaanka ka soo hormuuqday xildhibaanka laga soo doortay degaanka Kimilili Didmus Baraza.
Mr. Baraza ayaa xubnaha guddigaasi u sheegay in wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi ay isku dayday inay siiso laalush dhan 10 kun oo shilin .
In kastoo Fatuma Gedi ay horay isaga fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay haddana waxay ka mid tahay mas’uuliyiinta fursad loo siinayo inay qirtaan ama beeniyaan eedeymaha ka dhanka ah.
Sido kale mudanaha Kimilili ayaa ku adkeeystay inuu xita diyaar u yahay inuu waxyaabaha uu sheegay uu dhaarasho ku maro iyadoo ay goobjoog yihiin dadka uu farfiiqay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *