DEG DEG: Maxkamada Pakistan oo amartay in la siidaayo Nawaz Sharif iyo gabadhiisa

Maxkamada ku taalo wadanka Pakistan ayaa hakisay xabsi horay maxkamada musuqmaasuqa ugu xukuntay Ra`isul wasaarihii hore ee wadankaasi Nawaz Sharif iyo gabadhiisa Maryam Sharif horaantii sanadakan iyo seddex qof oo kale kadib markii ay bixiyeen damiin lacageed.
Sharif, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu sodoga u yahay ayaa bishii July maxkamada musuqmaasuqa ku eedeysay inaysan soo bandhigin cadeymo ay London guri uga iibsadeen.
Arbacadii xaakinka maxkamada sare ee Islamabad Athar Minallah ayaa go`aamiyay in gudiga qaran ee xisaabadka Pakistan uusan soo bandhigin cadeymaha dhaqaale ee lala xiriirinaayo Nawaz sharif iyo guriga uu iibsaday.
Nawaz Sharif ayaa lagu riday 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10.5 milyan oo doolar.
Sidoo kale gabadhiisa Maryam Sharif ayaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah iyo 2.6 milyan oo doolar oo ganaax ah, halka seygeeda lagu riday laba sano oo xabsi ah.
Sharif, gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay ayaa kiiba looga fadiyaa inuu bixiyo 500,000 rubis oo lacagta Pakistan ah oo u dhiganta 4,000 doolar oo dhamiin ah.
Gudiga xisaabadaadka qaran ee Pakistan ayaa lagu wadaa inay racfan ka qaadato talaabada maxkamada Islamabad ay ku laashay go`aanka maxkamada sare.
Dhageysiga labada kiis kale eek a dhanka ah Nawaz Sharif iyo qoyskiisa ayaa ka sii socondoona maxkamada musuqmaasuqa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *