DHAGEYSO Xildhibaanada Soomaaliya oo dalbaday inuu hor yimaado Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Ayadoo baarlamaanka Soomaaliya oo wali maalintii sadexaad ka doodadayo arimaha amniga ayaa Xildhibaanada ugu badan ee ka hadlay xaalada amaanka magaalada Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay isku aragti ka ahaayeen arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho waxayna xukuumada ku dhaliileen inaysan lahayn qorshe haboon oo amaanka u degsan.
Xildhibaanadii shalay ka hadlay dooda golaha shacabka ayaa dalbaday in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wasiirka amniga ay hor yimaadaan baarlamanka, si wax looga weydiiyo caqabadaha dhanka ammaanka ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Qaybti ugu danbaysa ee ka doodista amaanka magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,xildhibaanada Soomaaliya ayaa hada u muuqda kuwa aad u doonaya inay hor imaadaann Ra’isulwaaare Khayre iyo hay’adaha kale ee dowlada Soomaaliya u qaabilsana rimaha amaanka ayagoo ku doodaya in amaanka magaalada Muqdisho uusan hada wanaagsanayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *