Kuuriyada waqooyi oo ogolaatay inay burburiso hubkeeda Nukliyeerka

Madaxweynaha kuuriyada koonfureed Moon Jae-in ayaa shaaca ka qaaday in dhigiisa kuuriyada waqooyi ,Kim Jong-un uu ogolaaday in gebi ahaanba la burburiyo goobta laga soo saaro hubka nukliyeerka.
Hoggaamiyaashan ayaa magaalada Pyongyang ku kulmay waxayna isku afgarteen in geyiga labada kuuriya laga dhigo mid ka caagan weerarada la isku adeegsada hubka wax gumaada.
Waxay doonayaan in deganadaasi lagu soo dabaalo nabad waarta si loo soo afjaro hanjabaadda mararka qaar ay madaxda isdhaafsadaan.
Hoggaamiyaha xukuumada Seoul ee kuuriyada koonfureed ayaa sheegay in hubka nukliyeerka ee kuuriyada waqooyi oo meesha laga saaro ay tahay guul la gaaray.
Labada dal ayaa sidoo kale rajaynaya in ay dhisaan khad tareen oo isku xira iyo in ay mustaqbalka wada dalbadaan qabashada ciyaaraha Olambigga.
Kuuriyada waqooyi ayaa marar badan cadaadis iyo xayiraad kala kulantay maraykanka iyo qaramada midoobay labaduba kadib tijaabinta iyo adeegsiga nukliyeerka oo ay marar badan fulisay.
Goobaha ugu waweyn ee lagu tijaabin jiray nukliyeerka kuuriyada waqooyi waxaa ka mid ah Tongchang-ri oo la xirayo waxaana howshan kormeer ku sameynaya khuburo caalami ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *