Qaramada midoobay oo sheegtay in sannadkii hore 6.3 milyan oo carruur ah ay cuduro u dhinteen

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in sannadkii 2017-kii qiyaastii 6.3 milyan oo caruur ah oo ay da’dooda ka hooseyso 15 sano ay u dhinteen cuduro laga hor tagi karay.
Arrintan ayaa warbixin ay soo saartay waxaa shaaca uga qaadday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.
UNICEF ayaa sheegtay in sannadkii hore 5-tii ilbiriqsiba uu hal canug dhimanayay.
Warbixintan waxaa sido kale gacan geystay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, bangiga adduunka iyo qeybta qaramada midoobay ee qaabilsan tirada guud ee dadweynaha caalamka ku nool.
Agaasimaha darasaadka iyo xeerarka ee hay’adda UNICEF, Laurence Chandy ayaa ka digay in hadii aanan tallabo degdeg ah la qaadin ilaa iyo sannadka 2030-ka ay suurtagal tahay inay dhintaan 56 milyan oo carruur ah oo ay da’dooda ka hooseyso 5 sano.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah in boqolkiba 50 ee dhimashooyinkaasi ay ka dhaceen wadamada hoos tago saxaraha halka boqolkiba 30 laga soo tabiyay koonfurta qaaradda Aaasia.
UNICEF ayaa sido kale sheegtay in mid ka mid ah 13-kii canug ee ku nool wadamada ka hooseya saxaraha uu dhinto isagoo aana 5 sano gaarin.
Dhanka kale hay’adda badbaadada carruurta ee Save The Children ayaa sheegtay in 5.2 milyan oo ka mid ah carruurta wadanka Yeman ay halis ugu jiraan macaluul.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *