Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways oo lumisay dhaqaale ugu yaraan ah 69 milyan oo doolar

Shirkadda duulimaadyada wadanka Qatar ee Qatar Airways ayaa sheegtay in tan iyo 5-tii bishii lixaad ee sannadkii hore ay lumisay in ka badan 69 milyan oo doolar.
Xiligaasi ayay 4 ka mid ah wadamada khaliijka cunaqabateyn saareen Qatar oo ay ku eedeyeen inay taageerto kooxaha loogu yeero argagixisada.
Wadamadaasi ayaa kala ah Baxrayn, Masar, isutaga imaraadka carabta iyo boqortooyada Sacuudi carabiya.
In kastoo xukuumada Dhooxa ay iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay , haddana waxaa loo jaray xiiriirkii dibloomaasiyadeed.
Waxaa intaasi sii dheer oo dhaqaalaheeda saameeyay xayiraad dhanka hawada, dhulka iyo badda oo la saaray, waxaana ka mid ah khasaaraha ka soo gaaray dhinaca duulimaadyada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *