Baarlamaanka Kenya oo Maanta ka Doodaya soo Jeedinta Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka

Xildhibaanada baarlamaanka  Dalka Kenya ayaa maanta  la filaya inay yeeshaan kal fadhi ay uga doodayaan waxyaabo dhowr ah oo ku xusan  qoraal uu u soo gudbiyay hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.

Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka   uu ku talaiyay  in qiimaha cusub ee lagu kordhinayo  canshuurta shidaalka  laga dhigo  boqolkiba 8 halka horay qorshaha dowlada uu ahaa boqolkiba 16.

Baarlamaanka ayaa horay muddo  laba sano ah dib u dhigay in lagu tallaabo qaado qorshihii hore ee dowlada.

Kulan ay  mudanayaasha yeesheen maalinkii talaadada ayay si aqlabiyad leh madaxweynaha ugu tagereen go’aanka uu qaatay in kastoo weli ay jiraan  kenyaan doonaya in  canshuurtaasi gebi ahaanba meesha laga saaro.

Hadii qiimaha canshuurta   laga qaado noocyada kala duwan ee shidaalka laga  dhigo boqolkiba 8 , waxaa dowlada  soo galaya  dhaqaale gaaraya 17.5  bilyan oo shilin.

Wasaaradda maaliyadda ayaa baarlamaanka hor geysay  qorsho ay ku doonaysa in miisaaniyad sannadeedka 2018-2019-ka  oo ah 3.026  tiriliyuun oo shilin laga dhimo  55 bilyan.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr . Henry  Rotich  ayaa mudanayaasha ugu baaqay inay  ansaxiyaan  qoraalka uu madaxweynaha soo gudbiyay ee dhanka maaliyadda ah.

Soo jeedinta madaxweynaha waxaa ka mid ah in dowlada  uu  dhaqaale dhan boqolkiba 20 uga soo xaroodo  qarashaadka  bangiyada  ay saaraan macamiisha lacagaha isku diraya.

Si qorshaha dowlada  uu u meel maro waxaa loo baahanyahay inay tageraan   ugu yaraan  233  ka mid ah  349  oo ah tirada mudanayaasha.

Miisaaniyad  sannadkeeda qaranka ee la dhimayo ayaa  waxaa suurtagal ah hadii ay xidhibaanada ansaxiyaan inuu saameyn ku yeesho wasaarado  iyo waaxya dhowr ah.

Wasaaradda  dowlad wadaajinta ayaa  dhaqaalaha loo qoondeeyay   laga  dhimaya  6 bilyan oo shilin, wasaaradda maaliyadda   sido kale  6 bilyan   , wasaaradda  warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda waxaa miisaaniyadeeda laga jaraya  5.9 bilyan  , midda tamarta 2.6 bilyan, gaadiidka iyo kaabayaasha wadooyinka 8.7 bilyan iyo wasaaradda arrimaha dibadda  oo uu ku imaanayo  gaabad dhaqaale oo ah  179.5  milyan oo shilin.

36 bilyan oo baarlamaanka loo qoondeeyay ayaa laga  jaraya 5 bilyan   halka  guddiga qaran ee dhulallka  miisaaniyadiisa laga dhimayo 50.4  milyan oo shilin.

Wasaaradda waxbarashada  gaar ahaan waaxda culuunta farsamada  ayaa lumin doonto  1.3 bilyan  , tacliinta sare iyo cilmi baarista ,1.07 bilyan   halka guddiga adeega macalimiinta ee TSC oo laga dhimayo 67.7  milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *