(Dhagayso) Wasiirka Caafimaadka Garissa County oo ka Hadlay Arrinta Tarmuusyada

Wasiirka  caafimaadka ee dowlad goboleedka   Garissa Axmad Nadiir  ayaa dadwaynaha ugu baaqay inaysan  aaminin wararka  been abuurka ah ee   la xariira in falaasyada  ama tarmuusyada shaaha lagu shubta  ay wataan walxa caafimaadka dadka wax u dhimi kara .

wasiirka  oo khadka taleefoonka kula hadlay  warbaahinta STAR   ayaa waxba ka ma  jiraan ku tilmaamay  wararka  lagu faafiyay baraha bulshada  ee  sheegaya in falaasyada shaaha  ay ku jiraan kaniiniyo keeni karo cudurka kansarka.

Waxaa uu  dadweynaha    u   sheegay  inay jiraan laamo u xil saaran  inay xaqiijiyaan  badqabka shacabka   iyo  tayada  wax kasta  oo lagu isticmaala gudaha dalka

Halkaan ka Dhagayso

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *