Dowlada Suudaanta Koonfureed oo lagu eedeyay Dembiyo Dagaal

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa warbixin ay soo saartay  dowlada  suudaanta koonfureed iyo xulafadeeda ku eedeysay inay geysteen  dembiyo dagaal.

Ciidamada dowladaasi gaar ahaan militariga iyo dagaalyahaano ayay Amnesty sheegtay in horraantii sannadkan ay si arxaan darro ah ula dhaqmeen dad shacab ah.

Dhibaatooyinka ay  hay’addan shaaca ka qaaday waxaa ka mid ah  kufsi,  dad nool oo la gubay , in la jiirsiiyay  baabuur gaashaaman  iyo  in sido kale geedaha laga   soo laalaadiyay.

Mid ka mid ah dadka  ay hay’addan wareysatay ayaa sheegay in gabadh yar oo sideed sano jir ah  ay faraxumeyeen rag dhowr ah.

Amnesty ayaa  warbixinteeda ku sheegtay  inay wareysatay  ugu yaraan 100 qof oo ka soo barakacay  degaanada Leer  iyo Mayendit  ee gobolka  Unity.

Gobolkan ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameyeen dagaalada sokeeye ee suudaanta koonfureed tan iyo 2013-kii.

Sido kale  Amnesty ayaa diiwangelisay in la  afduubtay  haween iyo gabdho yaryar sido kalena la dilay wiilal.

Joanne Mariner  oo ka mid  ah  howlwadeenada  hay’addan   ayaa sheegay in dowlada suudaanta koonfureed  ay  weerartay dad shacab ah halkaasi oo dad badan lagu dilay  , guriyahoodana laga gubay.

Sido kale  warbixinta hay’addan waxaa qeyb ka ah  in  iyagoo nool dab la qabadsiiyay  waayeelo ay da’dooda u dhexeyso 70  iyo   90 .

Hasa ahaate dowlada Suudaanta koonfureed ayaa marar badan iska fogeeysay eedeymaha noocan oo kale ah ee loo soo jeediyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *