Dowlada Talyaaniga oo ka qayb qaadanaysa dhismaha ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed amar danbe ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  arrimaha Ciiidamada ee Safaarada Talyaaniga oo dhawaan wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi ay soo magacawday .

kulanka Waxaa looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga Millatari ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga iyo sidii iskaashigaasi sare loogu sii qaadi lahaa.

Wasiirka wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga ku bogaadiyay Dib-u-hawlgalinta isbitaalka xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska ciidanka qalabka sida eedalka Soomaaliya.

Dhanka kale safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inuu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay wado dowladda dhexe, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaa dhismaha ciidamo awood leh oo markale ay Soomaaliya yeelato.

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *