Iiraan oo codsi u dirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Dowlada iiraan ayaa  golaha  amaanka ee jimciyadda qurumaha  ka dhexeysa u dirtay  codsi ka dhan ah  Israa’iil.

Ergeyga  iiraan  u qaabilsan qaramada  midoobay   ayaa warqado cabasho ah u qoray xoghayaha guud   Antonio  Guterres  iyo  golaha amaanka.

Xukuumada Tehran  ayaa  doonaysa in  xubnaha golaha  amaanka ee qaramada midoobay uu cambaareeyo  hanjabaad   ay  Israa’iil kula  kacday.

Sido kale  iiraan ayaa  codsanaysa  in goluhu  uu si dhow ula socdo  kormeer joogta ahna ku sameeyo  hubka nukliyeerka ee Israa’iil.

Telefihsinka dowlada  iiraan ayaa  ku waramaya in Gholamali Khoshrou  uu  qaramada midoobay  ka codsaday  inay Israa’iil  ku qasabto  inay ku biirto heshiiska   ku aaddan    la tacaalidda  iyo xakameynta  adeegsiga hubka nukliyeerka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *