7 dumar ah oo maalin kasta u dhinta carruurta la iska soo rido

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in 7 qof oo haween kenyaan ah ay maalin waliba u dhintaan saameyn ka soo gaarta carruurta uurka hooyada ku jira ee la iska soo rido .
Dhanka kale , dowlada ayaa malaayiin shilin ku bixiso in dhibaatooyinka noocan oo kale ah laga hor tago.
Warbixintan ayaa laga soo saaray darasaad ay intii u dhexeysay sannadihii 2012-kii ilaa iyo 2016-kii ay si wadajir ah u sameyeen xarunta cilmi baarista ku sameysa caafimaadka iyo tirada dadka guud ee Afrika ee (APHRC) iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Sido kale waxaa warbixintu lagu sheegay in dowlada Kenya ay 2016-kii. dhaqaale kor u dhaafaya 500 milyan u adeegsatay la tacaalidda isku dayadaasi xumaaday.
Lacagtaasi ayaa boqolkiba 24 ka badan midii la isticmaalay 2012-kii ee ahayd 433 milyan oo shilin.
Waxyaabaha warbixinta lagu sheegay waxaa ka mid ah in sannad kasta wadanka gudihiisa laga soo tabiyo 464,690 oo ah kiisas la xiriira uur jiif la iska soo riday.
Dadka ugu badan ee falalka ku kaca ayay da’dooda u dhexeysa 10 ilaa iyo 24 sano.
Sannad kasta canuga uurka hooyada ku jira oo inta uusan dhallan la soo saaro ayaa waxay galaafataa noolosha haween gaaraya 2,600 taasi oo ay maalin kasta u dhiganta 7.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *