Bangiga adduunka oo sheegay in 17 milyan oo kenyaan ah ay maalinkii isticmalaan wax ka yar 100 shilin

Bangiga adduunka ayaa warbixin uu soo saaray oo ku saabsan saboolnimada shaaca uga qaaday in ugu yaraan 17.4 milyan oo qof oo kenyaan ah ay maalinkii quutaan lacag ka yar 100 shilin.
Waxaa warbixinta qeyb ka ah inay wadanka ku noolyihiin qoysas uu biilkooda maalinlaha yahay 92.4 shilin.
Qiimeyn caalami ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in qofka ugu saboolsan dunida la doonayo inuu maalinkii qarash ahaan isticmaalo 191.33 oo shilin waxayna micnaheedu yahay in kenyaan badan aysan xaaladoodu sidaasi ahayn.
Wadanka dariska ah ee Tanzania oo ay ku noolyihiin qiyaastii 20.7 milyan oo qof ayaa waxaa ku nool dad isticmaala 54.98 oo lacagta wadankaasi ah halka Ugandha tirada dadka saboolka ah lagu sheegay 17.3 milyan oo shilin kuwaaso maalinkii uu ku baxa qarash dhan 65.14.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *