DHAGEYSO Xildhibaanada aqalka sare oo sheegay in waxyaabaha loo soo gudbiyay ay ka mid tahay fara galin ay dowlada dhexe ku hayso mamaulka Jubaland.

Aqalka sare ee Soomaaliya oo hada ku howlan sidii loo dhamayn lahaa tabashooyinka iyo waxyaabaha kale ee ka dhex jira dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo maamulada Xubnaha ka ah ayaa xubnaha loo diray deegaanada maamulka Jubaland waxay sheegeen inay soo dhagaysteen waxyaabo badan oo dowlada dhexe laga tirsnayo.
Xubnaha aqalka sare oo magaalada kismaanyo kulamo kala duwan kala qaatay masuuliyiinta maamulkaas iyo qaybaha shacabka deegaanadaas waxayna ka xog waraysteen dhamaan waxyaabaha ay dowlada dhexe ka tabanayaan.
Senetor Axmed Xaashi oo ka mid ah xubnaha loo diray magaalada Kismaanyo ayaa sheegay in waxyaabihii loo soo gudbiyay ay ka mid ahaayeen eedaymo ku aadan in dowlada dhexe ay faragalin ku hayso maamulka Jubaland.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *