In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dooni ku degtay Tanzania

Waxaa harada Viktooriya ee dhanka wadanka Tanzaniya ku dhintay in ka badan 40 qof kadib markii galinkii dambe ee shalay ay halkaasi ku degtay doon weyn oo kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayeen.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xigatay sarkaal ka tirsan dowlada Tanzania ayaa ku warameysa in doonta ay saarnayeen ugu yaraan 200 oo qof.
Howlaha samatabixinta ayaa la hakiyay ilaa iyo arroornimadii hore ee saaka ka hor inta aanan dib loo bilaabin.
Doontan weyn oo lagu magacaabo MV Nyerere ayaa ku gadoontay inta u dhexeysa jasiiradaha Ukora iyo Bugolora.
Shilka dhacay ayaa loo aaneynayaa tirada rakaabka oo xad dhaaf ahayd.
Waxaa sido kale jira warar soo baxaya oo sheegay in tirada rakaabka ay ka badnayd 400 oo qof.
Ilaa iyo hadda ku dhawaad 100 qof ayaa la soo badbaadiyay mana aha markii ugu horeeysay oo ay Tanzania ka dhacdo dhibaatadan oo kale.
Sanadkii 2012-kiii, ugu yaraan 145 qof ayaa dhimatay kaddib markii doon weyn oo si xad dhaaf ah loo raray ay degtay.
Sido kale 1996-dii in ka badan 500 oo qof ayaa dhimatay kaddib markii doonta loo yaqaano MV Bukoba ay ku degtay isla harada Viktooriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *