Itoobiya oo la sheegay inay dadka ugu tirada badan caalamka ku barakaceen

Hay’adda dabagalka ku sameysa barakaca ka dhaca gudaha wadamada kala duwan ee caalamka ee magaceedu loo soo gaabiyo IDMC ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in barakacayaasha ugu tirada badan dunida ay ku noolyihiin wadanka Itoobiya.
Hay’addan oo uu fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee Switzerland ayaa sheegtay in Itoobiya ay ku noolyihiin barakacayaal dhan 1.4 milyan oo qof.
Dadkan ayay dhibaatadan soo gaartay intii u dhexeysa bilihii jannaayo ilaa iyo June ee sannadkan.
Sido kale hay’addan ayaa sheegtay in lixdii bilood ee ugu horeeysay sannadka ay hoos u dhacday xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Itoobiya.
Waxaa Itoobiya soo raaca Suuriya oo barakacayaasha lagu sheegay 200,000 oo qof iyadoo wadamada liiskaasi ku jiro ay kala yihiin Jamhuuriyada dimuqaradiyada Kongo ee DRC,Nigeria, Somalia, Afrikada dhexe ee CAR iyo suudaanta koonfureed.
171,000 qof oo ka mid ah shacabka Itoobiya ayaa waxaa barakac ku keenay daadad ku dhuftay degaanadooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *