Maalinta nabadda oo caalamka laga xusayo

Waxaa sannad kasta maanta oo kale oo ay taarikhdu ku beegantaahy 21-ka bisha sagalaad guud ahaan caalamka laga xusaa maalinka nabadda adduunka.
Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa maalinkan u asteeyay in lagu xoojiyo fikradaha ku aaddan nabadda ee gudaha wadamada kala duwan iyo dadweynaha ku nool dhexdhooda.
Xubnaha golahan ayaa 2015-kii meel mariyay hiigsiga horumarineed ee wax ku oolka ah oo ka kooban 17 qodob.
Qodobadaasi oo la doonayo in si buuxda loo dhaqangeliyo ayaa ku saabsanaa saboolnimada, baahida, caafimaadka , waxbarashada, isbedelada ku yimaado cimilada, sinnaanta jinsiyadeed , biyaha ,nadaafadda, tamarta , degaanka, nabadda , iyo cadaalad loo sameeyo bulshada.
Hal ku dhigga xuska maalinkan ee 2018-ka ayaa ah in qof waliba uu xaq u leeyahay nabadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *