Maraykanka oo cunaqabateyn saaray 33 sarkaal oo u dhashay Ruushka

Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inuu xayiraad saaray 33 isugu jiro saraakiil u dhashay Ruushka iyo shirkado wadankaasi laga leeyahay.
Dadkan iyo shirkadahan ayaa lagu eedeyay inay xiriir la leeyihiin waaxyaha gaashaandhigga iyo sirdoonka ee xukuumada Moscow .
Sido kale waxaa tallaabo laga qaadaya cid waliba oo xiriir ganacsi uu kala dhexeyo eedeysanayaasha.
Madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo wasiirka maaliyadda ee xukuumada Washington ,Steven Mnuchin u ogolaanayo inay ku tallaaba qaadaan cunaqabateynta ka dhanka ah muwaadiniinta iyo shirkadaha Ruushka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *