Maxaa xalay ku dhacay taageerayaasha Arsenal kulankii Europe League.

Arsenal ayaa baraha bulshada looga maadeystay kadib markii ay taageerayaal badan soo xaadirin kulankii xalay ee Europe League.
Balse Gunners ayaa wax la la yaabo sheegtay kadib markii ay ka dhawaajisay inay soo xaadireen taageerayaal gaaraya 59,039.
Iyadoo la arkaayay inay banana yihiin kumanaan kursi oo garoonka Emirates ahi, hadana Arsenal ayaa tiradeeda ku saleysay inta tikidh ay goysay.
Gunners ayaa ka adkaatay kooxda yar ee ka dhisan wadanka Ukraine ee Vorksla, balse waxay markale ku guul darreysatay inay ilaashato shabaqeeda.
Kumanaan kamid ah taageeryaasha Arsenal ayaa go,aansatay inaysan soo xaadirin garoonka Emirates ee kulankii xalay.
Waxaana la is weydinaya sababta aysan taageerayaasha u soo xadirin garoonka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *