Sannadguuradii shanaad ee weerarkii Westgate oo maanta la xusayo

Waxay maanta ku beegantahay 21-ka bisha sagalaad oo ah sannadguuradii shanaad ee ka soo wareegatay weerarkii isla taarikhdan oo kale sannadii 2013-kii lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 67 qof in kastoo markii dambe xaruntaasi dib loo furay amnigeenada si weyn loo adkeeyay.
Kooxda xasaradaha adduunka ee ICG ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la wiiqay awoodda ururka Al-shabaab sidaasi awgeedna ay yaradeen weeraradii ay geysan jireen.
Hasa ahaate waxaa warbixinta qeyb ka ah in kooxdan ay weli halis ku tahay amniga gobolka.
Kooxda ICG ayaa ku talisay inaysan isdhigan dowladaha ay Kenya ka mid tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *