Gudoomiyaha Migori oo wali xabsiga ku jiraa

Barasaabka ismaamul goboleedka Migori Okoth Obado oo ku eedeysan dilkii loo gaystay Sharon Otieno ayaa wali lagu haya xabsiga isagoona la filayaa in maalinta isniinta oo ay inaga xigto Axada uu ka soo hor muuqan doono maxkamada si dacwado ka dhan ah gabadhaasi loogo soo oogo.
Mr Obado oo dhawaan laga qaaday dhiiga DNA-da ayaa la sheegay in uu lahaa uurkii ay lahayd gabdhaasi inta laga taqalusin taasi o sii dhalisay in gudoomiyaha Migori looga shakiyo Sharon dilkeeda.
Gudoomiyaha maamul goboleedka Migori ayaa lagu haya xabsiga Gigiri.
Maalin ka hor ayay ahayd markii la helay gaari la sheegay in lagu afduubtay Sharon Otieno iyo wariye ka tirsanaa warbaahinta Nation kaasi oo lagu magacaabo Barack Odour.
Gaarikaasi ayaa loo soo qaaday magaala madaxda dalka Nairobi si loogu sameeyo baaritano dheeraad ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *