Labo gaari oo ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho

Labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay haayeen kuwo lagu xiray waxyaabaha Qarxa.
Gaariga Koowaad ayaa ku qarxay Bartamaha Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga Labaad ayaa ku qarxay degaandega Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in gaarigaasi uusan geysan Khasaare badan, qofkii watay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.
Waxaa sidoo kale jira in dhaawacyo ay soo gaareen dadkii Maraayay Wadada xilliga ay wax dhacaayeen.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyadda dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *