Madaxweynaha Dalka iyo Hogaamiyaha NASA oo Tacsi Iiiraanyo leh u Diray Madaxweynaha Tanzania iyo Shacabkiisa

Madaxweynaha dalka mudane Uhuru kenyatta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka reer Tanzani ka dib markii maalin ka hor ay wadankaasi ku degtay dooni weyn oo ay saarnaayeen dad badan oo rakaab ah kuwaas oo gaarayaa ila iyo 300 oo qof.

Madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in muragada ay la qeybsanayaan shacabka Tanzania dhacdadaasi xanuunka badan ee ku dhacday.

Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa sheegay isaga oo ku hadlayaa afka shacabka reer Kenyaanka in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo madaxweynaha Tanzania Jhon Magufuli iyo dhamaan dadka ku nool wadanka Tanzania oo ay Kenya daris yihiin.

Mr Kenyaatta ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay arrinta ka dhacday dalka Tanzani oo ay dad badan noloshoodu ku waayeen doontii quusatay.

Sido kale hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa bartiisa Twiitarka ku soo qoray in waqtikan adag oo uu ku jiro wadanka Tanzania uu garab taaganyahay isagoona tacsi u diray qooysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay doontaasi.

Ila iyo 136 qof ayaa ku dhimatay doontii maalin ka hor ku degtay harada Victooriya ee wadanka Tanzania.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *