Madaxweynaha Dalka oo Shaqo Siiyay Xaaskii Chris Msando

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa xaaskii Chris Msando oo ka mid ahaa hawlwadeenada gudiga madaxbanaan ee doorashooyiinka iyo xuduudaha dalka IEBS kaasi oo maalmo ka hor doorashadii dalka ka dhacday sanadkii hore la dilay ayaa la siiyay shaqo dowladeed.

Madaxweynaha dalka ayaa shaqo siiyay Eva Buyu oo ahayd xaaska Musando inta la dilin.

Mrs Buyu ayaa noqotay xubin ka mid ah guddiga laanta alaabada la dhoofinaayo ee dalka.

Haweenaydaasi ayaa 3 sano loo magacaabay in ay heyso shaqadaasi.

Sido kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa shalay shaqooyiin kala duwan siiyay dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *