11 sano jir meydkiisa laga helay ismaamulka Machakos

Canug 11 sano jir ayaa maanta meydkiisa la helay maalin un kadib markii lagu soo waramay in la afduubtay isagoo u socda skuulka deegaanka Matungulu ee ismaamulka Machakos.
Canuga yar ayaa la dilay isaga oo qabo dreeska skuulka waxaana meydkiisa laga helay abuur moos oo 200 meter u jirto gurigooda oo ku yaalo tuulada Kizito ee ismaamulka Machakos.
Sida laga soo xigtay waalidiinta dhalay canuga ayaa shegeen in canuga uu aaday dugsiga maalintii sabtida balse uusan ku soo laabanin xaafada.
Mid kamid ah dadka deeganka ayaa sheegay in la arkay canuga oo la socday nin aan heybtiisa la aqaanin.
Chief-ka xaafadaasi Phyllis Musyoka oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in la soo qabtay nin dhacdadan lagu tuhmaayo.
Meydka canuga ayaa waxaa qaaday saraakiisha lamaha amaanka waxaana loo qaaday goobta meydadka ee Kangundo iyadoo baaritaanadana ay wali socdaan.
Tani ayaa imaneysa iyadoo isbuucii hore gabadh yar oo sagaal sano jir ah la helay iyadoo meyd ah waxaana la afduubtay iyadoo u socota skuulka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *