115 qof oo ku dhimatay isku dhacyo saameeyay wadanka Liibiya

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in isku dhacyo laga soo tabiyay caasimadda wadankaasi ee Tripoli ay ku dhinteen ugu yaraan 115 qof.
Dagaaladan oo socday muddo hal bil ah ayaa waxaa dhanka kale ku dhaawacmay 383 qof .
Isku dhacyada ayaa dhexmaray laba kooxood oo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Magaalada Tripoli iyo galbeedka wadanka Liibiya waxaa ka talisa dowlad ay aqoonsantahay qaramada midoobay halka dhinaca bari ay isku hayaan maamulo isdiidan.
Tani iyo 2011-kii , Libiya waxaa ka jiray rabshado xiligaasi oo la dilay hoggaamiyihii mudada dheer talinayay Mucammar Qaddafi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *