Dadkii ku dhintay doontii Tanzania ku degtay oo maanta la aasayo

Waxaa maanta wadanka Tanzania ka bilaabanaya aaska loo sameynayo dadkii ku dhintay dooni weyn oo ku degtay harada Viktooriya gaar ahaan dhinaca dalkaasi.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 218 qof la xaqiijiyay inay dhinteen sida uu warfidiyeenka u sheegay wasiirka gaadiidka ,isgaarsiinta iyo howlaha guud ee Tanzania ,Isack Kamwelwe.
Madaxa ciidamada gaashaandhigga ee Tanzania Venance Mabeyo ayaa sheegay in aaska la guda galayo maadaama uu jiro gaabad dhanka goobaha meydadka la dhigo sido kalena xaaladda meydadka qaar aysan suurtagelin karin inay sii yaallan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowlada wadankaasi ka codsanayaan inay fasaxdo in la aaso xita dadka aanan weli la aqoonsan.
Waxaa dhanka kale la helay 47 meydad dheeraad ah iyadoo ilaa iyo hadda la aqoonsaday meydadka 171 qof.
Wasiirka gaadiidka ayaa sido kale sheegay 112 ka mid ah meydadkaasi ay qaateen eheladooda si ay u aasan.
Galinkii dambe ee khamiistii ayay ahayd markii ay degtay doonta weyn ee loo yaqaano MV Nyerere xili ay mareysay jasiiradda Ukara .
Inkasta oo aan wali la ogaan sababta rasmiga ah ee dhalisay in doonida qarqanto hadana waxaa loo aaneynaya tan dhaaf.
Sanadkii 2012-kiii, ugu yaraan 145 qof ayaa dhimatay kaddib markii doon weyn oo si xad dhaaf ah loo raray ay degtay.
Sido kale 1996-dii in ka badan 500 oo qof ayaa dhimatay kaddib markii doonta loo yaqaano MV Bukoba ay ku degtay isla harada Viktooriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *