DHAGEYSO Tageerayaasha guddoomiyaha Migori oo maanta dibadbax sameeyay

Waxaa maanta mudaaharaad sameyay tageerayaasha barasaabka ismaamulka Migori Mr. Okoth Obado.
Guddoomiyaha oo lala xiriiriyay dilka gabadh dhiganaysay jaamacadda Rongo oo lagu magacaabo Sharon Otieno ayaa la filaya in berri maxkamada la soo taago.
Tageerayaashiisa ayaa maanta waddooyinka isugu soo baxay waxayna ku doodayan in dacwadaha uu wajahayo ay yihiin kuwo siyaasadeysan.
Waxay socdaal ku mareen degmada Uriri gaar ahaan wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Migori iyo Kisii iyagoo dalbanaya in Mr. Obado xasbiga laga siidaayo, dareenkooda ayayna sidatan u muujiyeen

Jimcihii ayay ahayd markii saraakiil baaraya dilka Sharon Otieno ay xabsiga u taxabeen Mr. Obado.
Hasa ahaate guddoomiyaha Migori ayaa iska fogeeyay inuu dilkaasi ku lug lahaa in kastoo uu qirtay inuu gabadhaasi oo uur lahayd uu xiriir kala dhexeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *