Doorashada madaxtinimo ee dalka Maldives oo bilaabatay

Waxaa wadanka Maldives ka bilaabatay doorashada madaxtinimo iyadoo dadweynaha ay codkooda dhiibanayaan si ay u doortaan madaxweyne cusub.
Doorashadan ayaa la sheegay inay tahay mid xasaasi ah marka la eego hannaanka dimuqaradiyadeed ee dalkaasi.
Waxay ku soo beegmaysa iyadoo maamulka madaxweyne Cabdulla Yameen uu fuliyay howlgalo la dhaliilay.
Yameen ayaa waxaa loolan kula jiro siyaasi mucaaradka ka tirsan muddo dheerna xildhibaan ahaa Ibrahim Maxamad Solix.
Boqolaal codbixiyayaal ah ayaa safaf dhadheer ugu jiro codeynta oo bilaabatay 8-dii subaxnimo ee saaka.
Waxaa inay codkooda dhiibtaan isku diiwangeliyay in ka badan 350,000 oo qof.
Wadanka Maldives ayay ka jirtay siyaasadda la isku hayay tan iyo sannadkii 2012-kii, xiligaasi oo si khasab ah xilka looga qaaday madaxweyne Maxamad Nasheed.
Waxaa doorashada si dhow ula socdo oo kormeer ku sameynaya in ka badan 2000 oo korjoogayaal caalami ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *