Imaraadka oo iska fogeeyay eedeyn ka timid Iiraan

Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada isutaga imaraadka carabta ee UAE-da ayaa maanta oo axad ah beeniyay eedeyn ka soo yeertay iiraan oo ku aaddan weerar shalay lala eegtay ciidamadeeda militari xilki ay dhoolatus sameynayeen .
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee imaraadka Anwar Gargash ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitarka ku sheegay in wadankaasi uusan tababar siinin ama si kaleba u caawin kooxda weerarkaasi mas’uuliyadiisa sheegatay ee Al- Axvaziya.
Hadal ka soo yeeray madaxda iiraan ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Sido kale mas’uulkan ayaa sheegay in mowqifka imaraadka ee ku aaddan argagixisada iyo rabshadaha la halmaala uu yahay mid iska cad sidaasi awgeedna eedeymaha xukuumada Tehran ay yihiin kuwo aanan loo meel dayin.
Hadalka Mr. Gargash ayaa ku soo beegmaya iyadoo hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka iiraan Ayatollah Cali Khamenei uu Maraykanka iyo wadamada uu taageero ee khaliijka ku eedeyay weerarkii dhacay.
Sido kale xukuumada Tehran ayaa dhinacyada ku eedeysay inay garab siinayaan kooxda sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi ee Al –Axvaziya.
Madaxweynaha iiraan Xassan Ruuxaani ayaa wacad ku maray inuu si adag uga ficil celin doono falkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *