Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galaya kulanka golaha guud ee qaramada midoobay

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hadda ku sugan magaalada News York ee Maraykanka halkaasi oo uu uga qeyb galaya kal fadhiga 73-aad ee golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee (UNGA 73).
Qeybta dowlada u qaabilsan isgaarsiinta iyo macluumaadka lala wadaago warbaahinta ee NEXUS ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee twitarka ku sheegtay inuu Mr. Kenyatta halkaasi khudbad ka jeedin doono maalinka arbacada ah ee toddobaadkan.
Sido kale waxaa la filaya inuu madaxweynaha tageera u raadiyo shirweynaha ku saabsan dhaqaalaha ee loo yaqaano ‘Blue Economy’ ee ay Kenya marti gelin doonto bishan koow iyo tobnaad ee sannadkan iyo dadaalka nabadeed ee caalamiga ah.
Khudbadaasi kadib waxaa uu kulamo laba geesood ah la yeelanaya hoggaamiyaasha kale ee caalamka.
Mr. Kenyatta ayaa wada hadaladaasi xoogga ku saari doono sidii dhaqaale iyo maalgelin dheeraad ah loogu heli lahaa afar waxyaabood oo ugu waaweyn oo maamulka talada haya ee jubilee uu sheegay inuu wax ka qabanayo.
Arrimahan ayaa kala ah wax soo saarka, adeegyo caafimaad oo dhameystiran, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Waxaa fadhiga golaha guud ee qaramada midoobay ka qeyb galaya in ka badan 150 madaxweyne oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale la rajeynaya inuu madaxda ay kulamayaan kala hadlo sida wadamadooda ay gudaha wadanka uga sameyn karaan tageero dhanka amniga ah,maalgashiga, iyo horumarinta dhalinyarada.
Xubnaha golaha guud ee qaramada midoobay ayaa berri oo isniin ah yeelanaya kulan heer sare ah oo ku saabsan nabadgeliyada dunida oo lagu maamuusayo dhalashadii madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela.
Arbacada oo ku beegan 26-ka bishan sagalaad golaha UNGA ayaa yeelanaya kulan ku aaddan la dagaalanka cudurka qaaxada maadaama arrinkaasi lagu heshiiyay bishii labaad ee sannadkan.
Khamiista oo ah 27-ka bishan, golaha guud ee qaramada midoobay ayaa dib u milicsanaya horumarka laga gaaray ka hortagga iyo xakameynta cudurada aanan la isku gudbin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *