Shiinaha oo xiray ugu yaraan 4000 oo shabakado ah

Wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warameysa in dowlada dalkaasi ay xirtay shabakado iyo akoontiyada intarneetka oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 4000.
Tallabadan ayaa qeyb ka ah olole socday muddo 3 bilood oo ka dhan ah macluumaadka intarneetka lagu faafiyo ee lagu tilmaamo kuwo khatar ah.
Shiinaha ayaa si dhow ula socdo isticmaalka intarneetka ee muwaadiniinta iyo shirkadaha kala duwan.
Waxaa horay wadankaasi uga dhacay howlgalo ka dhan ah muuqaalada anshax darrada ah ee lagu faafiyo baraha ay bulshada ku wada xiriirto iyo guud ahaan intarneetka, khamaarka iyo faafinta wararka kutiri kuteenka ama been abuurka ah.
Ololahan ayaa soo bilowday bishii shanaad ee sannadkan iyadoo lala tacaalay ilaa iyo 120 xagudubyo ah.
230 shirkado ah ayaa lagu amray inay saxaan khaladaad dhanka intarneetka ah.
Waaxda qaran ee shiinaha u qaabilsan ka hor tagga anshax xumada iyo daabacaadda qoraalada sharci darrada ah ayaa sheegtay in dhamaadkii bishii hore, intarneetka laga saaray 147,000 oo ah macluumaad dhibaatooyin horseedi lahaa.
Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya muranka dhanka ganacsiga ah ee u dhexeya wadamada Shiinaha iyo Maraykanka.
Shiinaha ayaa dib ugu yeeray safirkii u fadhiyay Maraykanka kadib markii xukuumada Washington ay militariga Beijing cunaqabateyno ku soo rogtay .
Tallabadan ayaa timid hal maalin un kadib markii Shiinaha uu Maraykanka ugu baaqay inuu ka laabto xayiraadda uu kula kacay hadii kale ay cawaaqib xumo ka dhalan karto.
Ku xigeenka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zheng Zeguang ayaa dib ugu yeeray danjire Terry Branstad .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *