Askari ks tirsan ciidamada Puntland oo maanta lagu dilay magaalada Boosaaso.

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay saaka toogasho ku dileen labo askari oo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda maamulka Puntland.
Toogashadda ayaa ka dhacday Agagaarka dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso xilli uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sida ay warbaahinta guduhu xaqiijiyeen.
Labada Askari ayaa mid waxaa soo gaaray dhaawac,halka kan kalena uu siala goobta ku geeriyooday.
Toogashadda maanta ka dhacday magaalada boosaaso ayaa imaanaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Gaas uu Boosaaso ka waday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Boosaaso iyo dhamaan deegaanada maamulka Puntland.
Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi doonayo kooxdii weerarka gaysatay oo goobta isaga baxsaday walina ma jiraan wax war ah oo dhacdadaan la xiriira oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee gobolka Bari.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *