Dowlada iiraan oo ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah

Dowlada Iiraan ayaa maanta oo isniin ah shaacisay inay tahay maalin qaran oo baroordiiq loo sameynayo dadkii ku dhintay weerar lala eegtay dhoolatus militari.
Weerarkaasi oo xukuumada Tehran ay ku eedeysay Maraykanka iyo wadamada uu tageero ee gacanka carbeed ayaa lagu dilay ugu yaraan 29 qof.
Sido kale falkaasi oo dhacay maalinkii sabtida ayaa lagu dhaawacay in ka badan 60 oo dheeraad ah.
Wakaalada wararka ee iiraan ee IRNA ayaa ku warameysa in xiligaasi rag hubeysan oo ku labisnaa dareeska militariga ay rasaas oodda uga qaadeen ciidamo ku sugnaa magaalada Ahvaz ee koonfurtagalbeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *