Guddoomiyaha Migori oo maxkamad la soo taagay

Waxaa saaka maxkamada Milimani ee magaaladatani Nairobi la hor geeyay barasaabka ismaamulka Migori Mr. Okoth Obado oo lala xiriiriyay dilka gabadh dhiganaysay jaamacadda Rongo.
Mr. Obado oo qirtay inuu xiriir kala dhexeyay Sharon Otieno oo 26 sano jir ahayd ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu dilkeeda ku lug lahaa.
Waxaa hadda maxkamada ku sugan Mr. Obado, qareenada u doodaya iyo sido kale dacwad oogayaasha.
Sido kale waxaa la filaya in halkaasi la geeyo eedeysanayaal kale oo uu ka mid ayahay kaaliyihiisi Michael Onyamo.
Shalay ayay ahayd markii tageerayaasha Mr. Obado iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ay ismaamulka Migori ka sameyeen dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in xabsiga laga siidaayo.
Dhanka kale mid ka mid ah hay’adaha u ololeeya maamul wanaaga ayaa Mr. Okoth Obad ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Xarunta caalamiga ee qaabilsan xeerarka iyo maareynta khilafaadka ee (ICPC) ayaa Mr. Okoth Obado u soo jeedisay inuu iscasilo.
Byaaan ay xaruntan soo saartay ayay ku sheegtay inuu guddoomiyuhu ku fashilmay ilaalinta mabaad’iida iyo u hoggaansanka shuruucda dastuuriga ah.
Xarunta ICPC ayaa intaasi ku dartay in Mr. Obado uusan u qalmin inuu sii hoggaamiyo maamul goboleedka Migori maadaama loo soo jeediyay eedeymo dhowr ah.
Barasaabka ayaa la xiray jimcihii wuxuuna maxkamada horteeda ka qiran doonaan ama isaga fogeyn doonaa dilka Sharon Otieno.
Agaasimaha guud ee xarunta ICPC Mr.Ndung’u Wainaina ayaa sheegay in Mr. Obado laga doonayo inuu ku baraarugo inuusan muujin habdhaqanka wanaagsan ee laga filan karo mas’uuliyiinta haya xilalka dadweynaha loogu adeego.
Waxaa sido kale maanta maxkamada gaar ahaan waaxda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa la horgeynaya in ka badan 30 sarkaal oo ka mid ah howlwadeenada maamulka canshuuraha ee KRA, waaxda qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS iyo maamulka dekadaha ee KPA.
Sarakiisha gacanta lagu dhigay waxaa ka mid ah agaasimihii shaqada laga istaajiyay ee KEBS Charles Ongwae oo lagu eedeynayo inaysan ka hor tagin bariis aanan taya ahaan wanaagsanayn oo wadanka la soo geliyay.
Saraakiisha ka midka ah howlwadeenada KRA ee la xiray ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Mr.Kiprono Bullut, Mr David Mbogori, Ms Dorothy Wanja, Mr Michael Juma iyo Mr Axmed Daahir.
Xubnaha ka tirsan waaxda KEBS ee lala xiray Mr. Ongwae waxaa ka mid ah,Mr Daniel Kimonge, Mr Roy Mwanthi, Mr Karim Dharamshi, Mr Felix Makau Simon, Mr Bassam Hakem iyo Kuwa kale.
Waaxda dembi baarista ee dalka ayaa sheegtay in saraakishaan ay awoodooda si aanan habboonayn u adeegsadeen sido kalena ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda.
Bayana ay soo saartay waaxda DCI-da waxaa ka mid ah inay weli raadineyso eedeysanayaal kale oo fadeexaddan lala xiriiriyay.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay agaasimihii waaxda KEBS Mr. Charles Ongwae iyo 9 saraakiil sar sare ah .
Waxaa xiligaasi loo haystay bacrimin ay tayadeedu hooseyso oo dalka la soo geliyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *