Madaxweynaha maamulka Puntland oo amray in maxkamada la soo taago raga ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa kulan looga hadlayay amniga degaanada maamulkaasi wuxuu la qaatay hay’addaha amniga.
Kulankaan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa looga arinsaday sida ugu wanaagsan ee loo xaqiijin karo amaanka deegaanada maamulka Puntland.
Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka madaxtooyada Puntland oo sheegay in madaxweyne Gaas uu amray hay’addaha amniga in sharciga la marsiiyo dhalinyarada ka tirsan ururada Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo ku jira xabsiyada Puntland.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay inaan hada kadib marnaba la aqbali doonin in raga Al Shabaab ka tirsan ee gacanta lgu soo dhigo ay xabsiyada isaga jiraan ayadoo aan maxkamada la soo taagin.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa shacabka gobolkaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka si looga hortaggo dilalka qorsheysan iyo weerarada inta badan ka dhaca deegaanada gobolka bari ka tirsan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *