Madaxweynaha Maldives oo ogolaaday in laga guuleystay

Hoggaamiyaha  haya talada wadanka  Maldives, Cabdulla Yameen ayaa ogolaaday   in looga  adkaaday loolankii madaxtinimo   ee shalay dalkaasi ka dhacay.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga doorashooyinka ee Maldives  uu  ku dhawaaqay in musharaxii  mucaaradka  Ibraahim Maxamad Solih uu guuleystay.

Cabdulla Yameen ayaa sheegay in   shacabka  dalkaasi ay rabitaankooda muujiyeen sidaasi awgeedna uu go’aanka ay qaateen qadarinayo.

Khudbad  uu ka jeediyay  telefishinka qaranka ayuu  madaxweynaha Maldives  ku sheegay inuu la kulmay   Mr. solih oo uu u hambaleeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *