Madaxweynaha Maldives oo ogolaaday in laga guuleystay

Hoggaamiyaha haya talada wadanka Maldives, Cabdulla Yameen ayaa ogolaaday in looga adkaaday loolankii madaxtinimo ee shalay dalkaasi ka dhacay.
Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga doorashooyinka ee Maldives uu ku dhawaaqay in musharaxii mucaaradka Ibraahim Maxamad Solih uu guuleystay.
Cabdulla Yameen ayaa sheegay in shacabka dalkaasi ay rabitaankooda muujiyeen sidaasi awgeedna uu go’aanka ay qaateen qadarinayo.
Khudbad uu ka jeediyay telefishinka qaranka ayuu madaxweynaha Maldives ku sheegay inuu la kulmay Mr. solih oo uu u hambaleeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *