Mucaaradka wadanka Maldives oo ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimo

Musharaxii madaxtinimo ee garabka mucaaradka ee wadanka Maldives Ibrahim Maxamad Solih ayaa shaaciyay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee shalay dalkaasi ka dhacday.
Arrintan ayaa timid kadib markii wargeys madax bannaan uu qoray in boqolkiba 90 ee codadkii la dhiibtay ay muujinayaan in Mr. Solih uu kaga horeeyo madaxweynaha hadda talada haya Cabdullahi Yameen isagoo helay boqolkiba 58 ee codadka.
Ibrahim Maxamad Solih, oo matalaya isbeheysi ka kooban 4 xisbi ayaa guusha u soo hooyatay uga dhawaaqay khudbad uu jeediyay.
Madaxweyne Yameen ayuu ugu baaqay inuu qadariyo rabitaanka shacabka sida ugu dhaqsiyaha badana uu xilka u wareejiyo.
Hasa ahaate hoggaamiyaha wadankaasi oo ilaa iyo hadda helay boqolkiba 42 ee codadka la tiriyay ayaan weli ka hadlin natiijada doorashada.
Doorashada ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ahayd marka la eego hannaanka dimuqaradiyadeed ee dalkaasi.
Wadanka Maldives ayay ka jirtay siyaasadda la isku hayay tan iyo sannadkii 2012-kii, xiligaasi oo si khasab ah xilka looga qaaday madaxweyne Maxamad Nasheed.
Waxaa doorashada si dhow ula socday oo kormeer ku sameynayay in ka badan 2000 oo korjoogayaal caalami ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *