Xukuumadda Somaliya Oo Shaqada Ka Joojisay Xoghaye Lagu Eedeeyey Gudbinta Siraha

Wasiirka Batroolka Iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/Rashiid Maxamed Axmed Ayaa Shaqo Joojin Ku Sameeyay Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Jamaal Qaasim Mursal, Kaddib Wareegto Uu Soo Saaray .

Wareegtada Wasiirka Oo Ku Taariikheysneyd (22 September) Labo Maalmood Ka Hor Ayaa Xoghayaha Joogtada Ee Shaqada Laga Joojiyay Loogu Soo Jeediyay Eedeymo Kala Duwan Oo Ka Mid Ah Ku Xadgudubka Hanaanka Shaqo Iyo Hab Maamulka Wasaaradda, Cabashada Shaqaalaha, Wada Shaqeyn La’aan Iyo Inuu Bixinta Siraha Muhiimka Ee Wasaaradda Oo Loo Gudbiyo Dhinacyo Ka Baxsan Wasaaradda.

Dhamaan Eedahan Ayaa Sal U Noqday Shaqo Joojinta Xoghayihii Joogtada Wasaaradda, Waxaana Lagu Wareejiyay Arrintiisa Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Iyana Go’aan Ka Soo Gaari Doonta.

HALKAN HOOSE KA BOGGO WAREEGTADA KA SOO BAXDAY XAFIISKA WASIIRKA BATROOLKA

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *