108 qof oo ilaa iyo hadda ku dhintay daadad saameeyay Nigeriya

Waxaa sara u sii kacday tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ku dhuftay wadanka Nigeriya oo ilaa iyo hadda gaartay 108 qof.
Bayaan uu soo saaray maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka ee Nigeriya ayaa lagu sheegay in daadadka ay saameyeen 441,251 qof oo ku nool 50 degmo.
Sido kale maamulkan ayaa sheegay in dad ay tiradoodu gaareyso 141,369 au guriyahooda ka barakaceen.
Dhibaatada ayaa laga soo tabiyay 12 ka mid ah 36-da gobol ee Nigeriya.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha wadankaasi, Muxamadu Buhari uu ku dhawaaqay in daadadka ay yihiin musiibo qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *