Ciidamada xooga Soomaaliya oo sheegay inay isku fureen wadada xiriirisa gobolada Banaadir iyo shabeelada hoose.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Sheegay inay xoogaga Alshabaab ka saareen deegaanada ku teedsan wadada isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Marka gaar ahaan deegaanad Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale oo ay horay ay AL-shabaab ugu sugnaayeen.
Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo la hadlay idaacada codka Ciidamada qalabka sida ku hadashay sidoo kalena isagu ciidamada Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed laga dulqaaday waxa uu ugu yeeraykooxo ku dhibaatayn jiray Wadada Xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.
Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya uu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Dagaalameyaasha Alshabaab ayaa la sheegaa inay dadka isticmaala wadadaasi u geystaan dhibaatooyin kala duwan waxaaana marar badan soo baxayay cabasho laga muujinayo amaanka wadada dheer ee xixiirisa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka shabeelada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *