DEG DEG: Nin lagu tuhmaayo dilkii Monica Kimani oo la xiray.

Waxaa la xiray nin lagu tuhunsanahay inuu ka dambeeyay dilkii Monics Kimani oo 28 jir aheyd loogu geystay gurigeeda oo ku yaalo dhismaha Kilimani.
Waxaa su`aalo ka dhan ah dilka lagu tuhmaayo lagu weydinaya saldhiga booliska ee Kilimani.
Laamaha amaanka ayaa tilmaamay in ninkan uu qabo nabara muujinaayo inuu isaga is toogtay.
Waxaa lagu eedeeyay inuu sibital aaday kadib markii ay dhacdadan dhacaday.
21-kii September ayaa Monica Kimani laga helay qolka qubeyska gurigeeda iyadoo meyd ah.
Walaalkeed ayaa warbaahinta u sheegay in la soo wacay loona sheegay in la dilay walaashiis.
Wuxuu intaa ku daray Monica Kimani in uu soo aaday gurigeeda markii uu imaaday gurigana uu arkay walaashiis uu geeriyootay.
Ururka qareenada haweenka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (FIDA) ayaa cambareeyay dhacdadan dilka loogu geystay haweeneydan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *