DHACDO YAAB LEH: Skuul ardayda dhigatada ku qasbay inay baskiiladooda u soo yeelaan taargo.

Dugsiga sare ee koonfurta London ayaa ardaydiisa ka mamnuucay inay yimadaan skuulka ilaa baskiiladooda ay ku soo yeelaan taargo.
Dugsigan ayaa bilawaay nidaam diiwaan galin ah oo dadweynaha fursad u siinaayo inay soo gudbiyaan ardayda aan baskiiladooda taargo laheyn.
Amit Amin oo ah maamulaha dugsigaasi ayaa sheegay in tani ay ardayda ka saacideynayso inaysan naftooda iyo tan dadka kale aysan khatar galin.
Farrin ay soo dhigeen shabakadooda ayay ku sheegeen in ardayda aan loo ogolaan doonin inay la imadaan skullka baskiil aan taargo laheyn, hadii kalena baskiilkooda laga xiran doonoo.
Taargooyinka ayaa la soo saaray i-da October iyadoo ay qeyb ka tahay qorsha balaaran oo lagu dhiiragalinaayo ardayda isticmaala baskiilada.
Waxaa sidoo kale qeyb ka ah nalalka baskiilada iyo dayactir balaaran oo lagu sameynayo baskiilada.
Dugsigan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay mudnaanta kobaad siinayaan inay ilaaliyaan nabadgalyada ardaydooda, muhiimadana ay tahay in ardaygu isgoo nabad ah uu gurigooda ka soo baxo isagoo nabad ahna uu yimaado skuulka.
Dowlada dalka ingiriiska ayaa soo saaratay sharci cusub oo la xiriira dadka isticmaala baskiilada ee ku dhufta dadka goynaya wada iyo darawaliintaba.
Sharcigan ayaa la soo saray kadib markii hooya 44 jir oo dhashay laba canug iyadoo wadada mareyso ku dhacay baskiil kadibna dhimatay bishii February 2016-kii.
Tirakoobyada Waaxada socdaalka Britain ayaa mujinayaa in 448 qof oo ah dad lugeynayay wadooyinka ay sanadkii 2016-kii geeriyoodeen.
Kiisaskaasi ayaa loo aaneyaa isku dhacyada baskiilada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *