DHAGEYSO Wakiilka haweenka ee Wajeer oo beenisay inay laaluush bixisay

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi oo maanta ka soo hormuuqatay guddiga baarlamaanka u qaabilsan awoodaha iyo waxyaabaha ay fursadda u heystaan xildhibaanada ayaa su’aalo dhowr ah la weydiiyay.
Fatuma Gedi ayaa horay loogu eedeyay inay bixisay lacag laaluush ah oo dhan 10 kun oo shilin in kastoo ay eedeymahaasi iska fogeysay.
Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa yimid kadib markii baarlamaanka uu daaqada ka tuuray warbixin si wadajir ah ay u soo saareen guddiga baarlamaanka ee ganacsiga iyo wax soo saarka beeraha.
Baaritaanadaasi ayaa lagu eegayay sonkor sharci darro ah oo la sheegay in wadanka la soo geliyay.
Tallabada baarlamaanka uu qaaday kadib ayaa waxaa soo baxay eedeymo ah in mudanayaasha ay laaluush qaateen taasi oo keentay inay dhinac isaga dhigaan warbixintii la horkeenay.
Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Kimilili Didmus Baraza ayaa sheegay in wakiilka haweenka ee Wajeer , Fatuma Gedi ay u soo bandhigtay lacag laaluush ah si ay uga dhaadhiciso in warbixintu aysan meel marin.
Hasa ahaate Fatuma Gedi oo maanta fursad loo siiyay inay ka jawaabto eedeymaha loo soo jeediyay ayaa sidatan isaga fogeysay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *