Guddiga IEBC oo beeniyay in shaqada laga ceyriyay madaxii fulinta

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitarka ku beeniyay warar sheegaya in shaqada laga eryay Mr. Ezra Chiloba oo ah madaxa fulinta.
Waxaa qoraalkaasi qeyb ka ah in Mr. Chiloba si ku meel gaar ah uu uga maqanyahay shaqada hasa ahaate aanan gebi ahaanba la ceyrin.
Guddiga ayaa sido kale sheegay in madaxa fulinta uu ka qaadayo tallabo nidaamka waafaqsan , go’aan wax ku ool ahna laga gaari doono.
Mr. Chiloba ayaa bishii afaraad si ku meel gaar ah shaqa joojin loogu sameeyay kadib markii lagu eedeyay in xiligii doorashadii guud ee sannadkii hore uusan u hoggaansamin shuruucda u degsan soo iibsashada qalabka.
In kastoo Mr. Chiloba uu ku doodayo inuusan wax khalad ah sameynin, haddana waxaa socdo baaritaano aanan weli laga soo saarin natiijo kama dambeys ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *